Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa maanta lagu soo dhoweeyey magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana xubnaha la socdey kamid ahaa xildhibaan C/laahi Goodax Barre.
Guddoomiyaha maamulka Gobolka Hiiraan, maamulka B/weyne iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa madaxweynaha Hirshabelle iyo wafdi uu hoggaaminayo kusoo dhoweeyey magaaladaasi.
Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosble oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ulajeedka uu B/weyne u tagay iney tahay la tashi dadweyne, kala warqaadasho iyo kormeer ku aadan halka ay marayso shaqada maamulka cusub ee gobolka Hiiraan.




From the comments