Degmada Doolow ee gobolka Gedo waxaa lagu soo gebogabeeyey shir Saddex maalin socdey oo looga hadlayey amniga guud ee gobolkaasi, waxaana ka qeybgalay wasiiro Jubbaland ah, saraakiil iyo xubno ka tirsan maamulka Gobolka Gedo.
Cali Xasan Deer, taliyaha Nabad sugidda gobolka Gedo oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in shirkan uu ahaa mid aad u muhiim ah, islamarkaana ay soo qabanqaabisey wasaaradda amniga maamulkaasi.
Waxa uu sheegay taliyaha in waxyaabaha shirka diiradda lagu saarey ay kamid tahay xoojinta amniga, tayeenta ciidamada Jubbaland ee Gedo, sidii loola dagaallami lahaa Al-shabaab iyo sidoo kale sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen dhammaan maamullada degmooyinka Gedo.




From the comments