Guddoomiyaha Wabarashada degmada Qardho ee gobolka Bari, Saciid Maxamed Faahiye oo xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in abaarta saameynta ballaaran ku yeelatay dadka iyo duunyada ay sidoo kale saameysay habsami u socoka waxbarashada.
Waxa uu xusay guddoomiyaha in waalidiinta qaar ay ku tiirsanaayeen wax soo saarka xoolaha ay xilligaan dhibaato badan ka haysato bixinta lacagaha iskuulada, maadaama xoolihii ay ku tiirsanaayeen qaarna ay ka baaba’een halka qaarka kalena aan la iibgeyn karin.
Sidoo kale waxa uu sheegay Guddoomiye Faahiye in ardayda qaar ay iskuullada kaga maqan yihiin xanuunada faafa oo ku dhacay kadib xaalado caafimaad darro oo abaarta ka dhalatay.




From the comments