Maamulka magaaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa tilmaamay in heegan buuxa la geliyey ciidamada amniga ee magaaladaasi si ay uga hortagaan khatar walbo oo dhankooda soo wajahda.
Duqa magaaladaasi Cumar Aadan Deeqo oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ay heleen xogo la xiriira in magaaladaasi ay ka dhici karaan khatar weeraro kaga yimaada dhanka Al-shabaab.
Mr Deeqow ayaa sheegay in amniga B/weyne uu yahay mid hadda gacan adag ku jira, islamarkaana kaliya ay sii xoojin doonaan sidii looga hortagi lahaa wax walbo oo kaga soo socda dhanka Al-shabaab.




From the comments