U bood dhigaalka

Cudurro Laga Baqayo Iney Ka Dilaacaan Deegaannada Loo Naqraacay Ee Gobolka Bari

Sheeko:Dalka

Waxaa xilligaan aad looga baqayaa in cudurro ay ka dilaacaan deegaanno kamid ah gobolka Bari oo dhowaan ay usoo naqraaceen xoolo dhaqato ku sugnaa gobollo badan oo dalka ah.

Xildhibaan C/rashiid Yuusuf oo kamid ah golaha deegaanka ee Bandarbeyla ayaa u sheegay Goobjoog News, in walaaca ugu daran ay tahay in cuduro saameya dadka iyo duunyada ay halkaasi ka dilaacaan.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in ay jiraan xoolo badan oo dhintey intii loo soo wadey deegaannada loo naqraacay, cabsida ugu daranna ay tahay in xoolahaasi dhintey ay cuduro keenaan.

“Xoolaha hadda yimid qaarkood waa ay jiran yihiin, qaarkood wey dhinteen oo waddooyinka ayeey daadsan yihiin, waxaan ka baqeynaa in cuduro ay dilaacaan, caafimaadka uma wanaagsana waxa meesha ka jira, dadka iyo deegaannada waa ay kala bateen, dadka ma wataan wax ay ku dhaansadaan biyaha, marka xaaladda ayaaba loo baqayaa in meel halis ah ay gaarto” ayuu yiri xildhibaanka.

Sidoo kale xildhibaan C/rashiid Yuusuf ayaa ugu baaqey maamulka Puntland, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka in gurmad caafimaad ah dadkaan lala soo gaaro, lana daweeyo xoolaha xanuunsan iyo sidoo kale dadka iyaguna qaba dhibaatooyinka caafimaad.

Deegaanno kamid ah gobolka Bari oo dhowaan roob uu ka da’ay ayaa waxaa u naqraacay xoolo dhaqto badan oo la sheegay iney ka yimaadeen gobollada Sool, Sanaag, Nugaal, Mudug iyo qeybo kamid ah gobolka Bari.

Goobjoog News