Kulan ay soo qabanqaabiyeen qaar ka tirsan salaaddiinta Somaliland oo lagu dhex-dhexaadiyay Labada Musharrax ee u taagan qabashada xilka madaxtooyada Somaliland ee kala ah C/raxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa ka dhacay Hargeisa.
Labadan musharrax ee kala hoggaamiya xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye iyo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa maalmihii lasoo dhaafay isku marinayay saxaafadda hadallo xanafleh oo midba midka kale uu ku doonayay inuu kaga saaro saaxada siyaasadda Somaliland.
Wargeyska Geeska ee ka soo baxa gudaha Somalialnd ayaa soo daabacay kulanka oo ahaa mid ay albaabadu u xiran yihiin, wargeyska waxa uu la hadlay qaar ka mid ah salaadiinta oo u xaqiijiyay kulanka iyo in la is hor fariisiyay labada mas’uul oo si fool ka fool ah u wadahadalay.




From the comments