Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo shalay uu gaaray madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa haatan waxaa ka soconaya shir ballaaran oo looga hadlayo amniga guud ee gobolka Hiiraan.
Shirkaan waxaa diiradda lagu saarayaa xalinta dagaal beeleedyada ee kusoo noqnoqday gobolka Hiiraan, dagaallada lagula jiro Al-shabaab, arrimaha ku aadan abaaraha iyo arrimo kale.
Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali C/laaahi Cosoble ayaa ka qeybgali doona shirkaan sida ay soo sheegayaan wariyeyaasheenna ku sugan B/weyne.




From the comments