Warbixin: Xaalufin Lagu Haayo Kheyraadka Badaha Soomaaliya

Hey’adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed ayaa sheegtay in dalal shisheeye ay xaalufin ba’an ku hayaan kheyraadka ku jira biyaha Soomaaliya.
Admiral Faarax Qare oo ah guddoomiyaha hey’adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in cilmi baaris la sameeyey lagu ogaaday in sanad kasta dalka laga xado kheyraad badeed qiimahiisa lagu qadaray 300 oo million oo doolarka Mareykanka ah.
waxaa uu xusay in meeelaha ugu badan ay yihiin xeebaha dhanka gobollada Mudug iyo Bari halkaasi oo lagu arko xiliyada qaar maraakib shisheeye oo kalluumeysi sharci daraha samenaya.
Sidoo kale Faarax Qare ayaa sheegay in dawladda xiligan aysan awood u lahayn inay ka hortagto marakiibtaasi, waxaana uu xusay inay dhibaato badan ku qabaan kallumeysatada Soomaaliyeed maraakibtaasi shisheeye.
Goobjoog News