Doomo si sharci darro ah uga Kallumeysta biyaha Soomaaliya gaar ahaan degmada Eyl ee Gobolka Nugaalk ayaa la sheegayaa in ay sii kordhayaan.
Maamulka degmada eyl ayaa sheegay inay si xawli ah maalmihii la soo dhaafay loogu arkay degaanka doomo badan oo kalumeysato ah oo dhibaato u geysanaya kheyraadka badda Soomaaliya, iyadoo hadda ay soconayaan sida uu sheegay hawlgalo la gula dagalamayo kallumeysiga sharci darrada ah.
Gudoomiyaha Degmada Eyle ee Gobolka Nugaal Muuse Cusmaan ayaa sheegay inay dhawaceeen labo ka mid shaqalaha oo mid ka mid ah uu yahay ajnabi isagoo sheegay inay gacanta ku hayaan labo dooni iyo shaqaalihi sarnaa kadib markii weerar ciidamada ilaalada badda ee maamulka Puntland ay ku qadeen doomahaasi.




From the comments