Baraawe: Maamulka Oo Amniga Degmada Kala Hadley AMISOM Iyo Ciidamada Xoogga Dalka
Sheeko:Dalka
Maamulka Degmada Baraawe ayaa sheegey in kulan gaar ah oo xoogga lagu saarayey xagga amniga ay degmadaasi kula yeesheen AMISOM iyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Gudoomiye Xigeenka Amaanka Maamulkasi Bashir Maxamed Yusuf oo la hadley Goobjoog News ayaa sheegay in qodabada la isla gartay ay kamid yihiin in ammaanka laga wada qeyb qaato iyo in la joogteeto howlgalada lagu sugayao amanka degmadaasi.
“Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan kuwa militariga saraakiil ka socota ayaa la socotey, labadaba waan kala hadalney, ciidamada AMISOM saraakiisheeda iyo ciidamada xogga dalka Soomaaliyeed labada xagga amniga si gaar ah ayaan iskula taabaney”
Goobjoog News