Maamulka Hirshabelle ayaa baaq ku aadan isku gurmashada abaaraha iyo wada qeybsiga daaqa waxa uu u direy shacabka ku dhaqan guud ahaan deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Cali Cabdullaahi Guudlaawe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay jiri doonaan xoolo dhaqato u naq raacday deegaanno weli aanu abaarta ku baahin, sidaasi darteedna laga doonayo bulshada deegaannadaasi ku nool iney soo dhoweeyaan dadka abaarta ka tagay.
Waxa uu sheegay in mudada la isla joogayo oo yar la doonayo iney isku dulqaataan dadka, islamarkaana isla wadaagaan wixii kheyraad ah ee gobolladaasi yaalla.




From the comments