General Edward Katumba Wamala oo ah taliyaha ciidamada melitariga ee Uganda ayaa booqasho ku tagey magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose halkaas oo ka mid ah goobaha ay ciidamada Uganda iyo AMISOM saldhig ku leeyihiin.
General Katumba ayaa waxaa la sheegayaa inta uu halkaasi joogey in uu la kulmey hoggaanka ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida, isagoo kala Hadley qaabka ugu haboon ee lagu tayeyn karo ciidamada Soomaalida, isagoo ka dalbadey iney isku diyaariyaan sidii ay AMISOM ugala wareegi lahaayeen amniga dalka.
Dhinaca kale, Katumba Wamala waxaa uu la kulmey bulshada iyo dadka deegaanka Baraawe isagoo kala Hadley sida ay ula shaqeyn lahaayeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida.




From the comments