Afhayeenka AMISOM Joe Kibet ayaa waxaa uu sheegey in ciidamadooda ay dileen ilaa 25-Neef oo Geel ah 4-kalana ay dhaawaceen, xili uu socday dagaal ay kula jireen xarakada Al-shabaab.
Joe Kibet ayaa sidoo kale SONNA u sheegay in Al-Shabaab weerar Qaraxyo ah ay ku soo qaadeen AMISOM xili ay marayeen deegaan lagu magacaabo Wareer-maleh oo u dhow magaalada Baraawe ee Gobalka Shabeellaha Hoose.
“Inta uu socday dagaalka waxaa leesku adeegsanayay Hub Culus, Xooluhuna waxay daaqayeen halka uu dagaalku ka socday, sidoo kalana waxaa AMISOM ka dhaawacmay labo Askari.” Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka AMISOM.




From the comments