Cabdi Xaashi Iyo Weriye Muna Cumar Oo Ka Mid Noqdey Aqalka Sare

Doorashada aqalka sare ayaa maanta ka dhacdey magaalada Muqdishu, dadka la doortey waxaa ka mid ah Cabdi Xaashi oo horey u ahaa Xildhibaan aqalka hoose ah iyo weriye Muna Cumar Xasan.
Doorashada gobollada waqooyi waxaa wax doortey 23 odey dhaqameed iyo 23 kale oo mid weliba uu odey keeno, si ay u doortaan xubnaha aqalka sare u matali lahaa Somaliland.
Hadaba, Xildhibaannada Guuleystay waa sidan:
Kursiga 1aad: Cabdi Xaashi Cabbdulahi 29 cod, waxaa uu ka guuleystay Maxamed Jirde Xuseen 14, 2 hallbey
Kursiga 2aad: Maxyudin Sheekh Cali Jaamac, waxaa u tanaasuley Cabdi Yusuf Xasan Maahir
Kursiga 3aad: Mustaf Maxamed Qoodax waxaa u tanaasuley Maxamed Maxamud Cabdi
Kursiga 4aad: Muna Cumar Xasan oo heshay 32 cod ayaa ka guuleysatay Deeqo Maxamed Salaax
Kursiga 5aad: Cabdikarim Maxamed Xasan 40 cod, Jamc Axmed Roble 3, Ibrahim Aden Maxaned oo maqnaa 1
Kursiga 6aad: Cabdirisaq Axmed oo ku guuleystay waxaa uu helay 39 cod.
5 Kursi ayaa ka harey doorashada aqalka sare ee gobollada waqooyi, kuraasta hartey waxaa la sheegey in la dhameystiri doono marka la helo ergadii codeyn laheyd.
Goobjoog News