Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee xubnaha Somaliland ayaa la filayaa iney maanta ka dhacdo magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada doorashooyinka aqalka sare ee beelaha waqooyi Gen. Jaamac Maxamed Qaalib oo goordhaw la hadley Goobjoog News ayaa noo xaqiijiyay iney maanta jirto doorashada Aqalka Sare ee Xubnaha Somaliland.
“Waxaa la filayaa in la doorto illaa 6 xubnood oo ka tirsan tartamayaasha kuraasta aqalka sare ee beelaha Somaliland, waxaa ay ka dhaceysaa xerada gadiidka” ayuu intaa raaciyay.





From the comments