Sarkaal sare oo maxali ah ayaa Sabtidii Shalay, 7, January, sheegay in wafti uu hoggaaminayo wasiirka difaaca Ivory Coast “Alain Richard Donowaha” ay heshiis la gaareen ciidamado gadood sameeyay muddo 2 maalmood ah walwal xoog leh ku abuuray bulshada.
Madaxa maamulka sare ee magaalada Bouake ninka la yiraahdo Yandi ayaa yiri “Waxaan gaarnay heshiis, heshiikani waxa uu soo afjarayaa gadoodka ciidanka”, gadoodkan ayaa saameyn ku yeeshay qaybo ka mid ah Ivory Coast oo ku yaalla Galbeedka Afrika.
Jimcihii la soo dhaafay ayaa waiirka Gaashaandhigga dalkaas uu sheegay in ciidamo gadoodsan oo doonaya mushaar kordhin iyo gunnooyin kale ay adeegsadeen hubkooda isla markaana ay qabsadeen magaalada Bouake oo ah magaalada Labaad ee ugu weyn dalkaas.




From the comments