Goobjoog

Hirshabeelle: Baladweyne Iyo Matabaan Oo Maamullo Cusub Loo Sameeystay

Maamulka Hirshabeelle ayaa isbadal cusub ku sameeyay qaar ka tirsan maamul-ka degmooyinka gobolka iyadoo maamul cusub loo magacaabey magaalada Baladweyn oo xarun u ah gobolka Hiiraan. Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulah…

Hirshabeelle: Baladweyne Iyo Matabaan Oo Maamullo Cusub Loo Sameeystay

Maamulka Hirshabeelle ayaa isbadal cusub ku sameeyay qaar ka tirsan maamul-ka degmooyinka gobolka iyadoo maamul cusub loo magacaabey magaalada Baladweyn oo xarun u ah gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulah Cosoble ayaa u magacaabey guddoomiyaha degmada Baladweyn Maxamed Axmed Ibrahim halka ku xigeenkiisa isna loo magacaabey Qadar Xasan Afrax.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale Ducaale Aaden Cali u magacaabey guddoomiye ku-xigeenka degmada Matabaan.

Cali Cabdulahi Cosoble ayaa booqasho todobaad qaadatey waxaa uu ku tagey magaalada Baladweyn, isagoo raashin iyo biyo gargaar ah gaarsiiyey barakacayaal ku sugan inta u dhaxeysa Matabaan iyo Maxaas.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments