Madaxweynaha maamulka Hiir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa gargaar isugu jira raashiin iyo biyo waxaa uu markii ugu horreeyay gaarsiiyay dadka tabaleysan ee gobolka Hiiraan.
Socdaal ay ku tageen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hiiraan oo uu hor kacayo guddoomiyahay magaalada Maxaas iyo taliyaha Booliska Baladweyne Col.Cali Dhuux Mahad Alle ayay ku gaareen deegaanno dhowr ah oo hoos taga degmada Maxaas gobolka Hiiraan iyadoo ujeedada socdaalkoodu ahaa sidii gargaarka degdegga ah loo gaarsiin lahaa qoysas la dhibaatoonaya abaaro ba’an oo saameyn culus ku yeeshay noloshooda.
Laga soo bilaabo 20-ka bisha October ee sanadkan 2016-ka, kumanaan qoys oo ka soo barakacay abaaraha ka jira qeybo ka tirsan Hiiraan ayaa waxay soo gaareen deegaannada Maxaas iyo matabaan ee gobolka Hiiraan.




From the comments