Wasaaradda amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay ciidamada hubeysan ee waddooyinka Muqdisho sida bareerka ah ugu dila dadka shacabka ah.
Warkan ay soo saartay wasaaradda amniga ayaa daba socday kadib markii maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho si bareer ah ciidamo ka tirsan dowladda ugu dileen wadayaal aan waxba galabsan.
Afhayeenka wasaaradda amniga Cabdikamil Macallin oo ka hadlaya arrintan ayaa yiri; “Waxaad arkaysaa qof isku ekaysiinaya shacabkii baabuur raaxa ah wata oo hadana geysanaya falal dhibaato ah markaa waxaa laga yaabaa ciidanka iyagoo ka taxadaraya dadkaas iney xadgudub sameeyaan waa suurogal, wax la ogolyahayna maaha sharcigaa la mariyaa haddii ay dhacdo oo ay si toos ah noosoo gaarto, askarigii geystana waa lala xisaabtamaa”.




From the comments