Doorasho oo waqti badan socotay oo ka dhacday magaalada Dhuusomareeb waxaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Ahlu-sunna loo doortay Saadaq Sheikh Yuuf oo horay u soo qabtay jagada Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Ahlu-Sunna ee Goballada Dhexe.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ayaa loo doortay C/llaahi Guray oo horey u hayay guddoomiye ku xigeenka golaha talada ee maamulkii Ahlu-sunna iyadoo guddoomiye ku xigeenka 2-aad loo doortay Sheekh Siciid Maadix.
Ugu horreyn, waxaa goobtii doorashadu ka dhacday ka hadlay Shaacir Sheekhow Maxamed oo ahaa shir guddoonka kumeel gaarka ah ee baarlamaanka Ahlu-sunna, waxa uuna yiri: “Waxaan rabaa inaan idiin mahadceliyo guddiga dabanqaabada oo shaqadan culeyskeedii soo gabagabeeyay oo nagu soo wareejiyay annagoo xildhibaanno ah aadbaan ugu mahcelinayaa dadaalkii badnaa oo ay qabteen”.




From the comments