Maamulka Baydhabo ee Koofur Galbeed ayaa burburiyay goobo ay ku ganacsadaan ganacsatada yaryar ee magaalada Baydhabo, iyaggoo u sababeeyay iney ku ganacsadaan goobo aan sharci aheyn.
Booliiska oo fuliyay howsha burburinta waxaa ay sheegayaan in goobtan ay tahay suuq, isla markaana loo baahan yahay in la habeeyo, si dadka iyo gawaarida u maraan.
Ganacsatada laga burburiyay goobahooda ganacsi waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay deganaayeen 20 sano, isla markaana aaney aqoon meel kale oo ay ku ganacsadaan.




From the comments