Cadaado: Senator Abshir Bukhaari Oo Iskuul U Furay Barakacayaal Waxbarasho La’aan Ah
Senator Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) ayaa maanta barakacayaal ku sugan galbeedka Cadaado u furey Iskuul ay caruurta wax ku bartaan. In ka badan 200 oo ardey ayaa loo diwaangeliyay in ay…
Published January 10, 2017 - Updated January 11, 2017
Akhris 2 daqiiqo ah
Senator Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) ayaa maanta barakacayaal ku sugan galbeedka Cadaado u furey Iskuul ay caruurta wax ku bartaan.
Abshir Bukhaari Oo Xariga ka jaraya Maandeeq Academy
In ka badan 200 oo ardey ayaa loo diwaangeliyay in ay wax ku dhigtaan Iskuulka Maandeeq Academy oo ka kooban 3 fasal, waa iskuulka keliya ee goobta Kaam-ka ku yaallo.
Iskuulka Maandeeq Academy waxaa laga furay Kaamka Badbaado oo ku yaallo Galbeedka magaalada Cadaado, waxaana hal ku-dheg looga dhigey “Hogaamiyeyashii berito ayaa halkan wax ku barto”
Ha- ku-dhegga Iskuul
Abshir Maxamed(Bukhaari) oo sidoo kale biyo geliyay goobta, waxaa uu caruur agoon ah u ballan-qaadey in uu guri u dhisi doono sida ugu dhaqsiyaha badan.
October 20, 2016: Mar uu Booqasho ku tagey xerada, waxaa uu Bukhaari ballan-qaadey in xerada u dhiso dugsi qur’aan iyo Iskuul ay caruurta wax ku bartaan, tiiyoo uu maanta fuliyay.
Abshir Maxamed Axmed, waa senator-kii ugu horeeyay ee Soomaaliya lagu doorto, isagoo ka mid ah Senetoradda Galmudug u matala aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah.
From the comments