War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Ivory Coast “Alassane Ouattara” ayaa xilka looga xayuubiyay saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidanka Milatariga, Booliska, kadib markii gadood ay sameeyeen ciidamo ay keentay in xasilloon darro baahsan ka dhacdo dalkaas.
Ciidamo caraysan oo dalbanaya in mushaar kordhin loo sameeyo ayaa Jimcihii lasoo dhaafay qabsaday magaalada labaad ee ugu weyn Ivory Coast ee “Bouake”, waxaana qabsashada magaalada kadib ku biiray ciidamo kale oo iyaguna taageeradooda u muujiyay qeybo kala duwan oo dalkaas ka tirsan.
Ra’isul wasaaraha Ivory Coast “Daniel Duncan” ayaa iska casilay xilka, kadib markii dalkaas uu yeeshay dastuur cusub, bishii lasoo dhaafayna ay qabsoontay doorashii baaralamaanka, iyadoo dalkaas ay caado ka tahay in xukuumaddu ay iscasisho kadib mark al doorto baarlamaan cusub. kulan uu ra’isul wasaaruhu la qaatay madaxweyne “Alassane” ayuu kulanka kadib saxaafadda u sheegay: “Waxaan gudbiyay warqaddii iscasilaadda aniga tan xukuumadda labadaba”. Ra’sul wasaarahan ayaa la filayay inuu xilka ka dago sabtidii lasoo dhaafay, waxa uuse u hakaday gadoodka ciidamada oo si lama filaan ka ah ku dhacay.




From the comments