Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in guusha maanta ay tahay mid usoo hoyatay dhamaan shacabka Soomaaliyeed, waxanuu ballan qaaday inuu dhex dhexaad u noqon doono dhamaan xubnaha Golaha.
Guddoomiyaha la doortay ee golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo guushiisa ka dib la hadlay xubnaha golaha shacabka ayaa sheegay in guusha uu gaaray aaney ahan mid shakhsi ah balse ay tahay mid usoo hoyatay dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
“Guushani maaha mid qof guuleystay mid kalena laga guuleystay ee waxaa guuleeystay shacabka Soomaaliyeed, codka waxaa qarsoodi looga dhigay inaan la ogaan ciddii codaysay iyo kuwii kale, waxaan dhex dhexaad u noqonayayaa dhamaan xubnaha, waxaan u hablayaynayaa ururada bushada , dhalinyarahada, hooyooyinka, siyaasiyiinta, muwaadiniinta , dhamaanta shacabka Soomaaliyeed ee naga daawanaya warbaahita”.




From the comments