Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Caddow oo u warramay Goobjoog News ayaa sheegay in madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble uu ku guuldareystay dedejinta dhismaha xukuumadda Hir-Shabeelle iyo inaanuu cidna la tashan dhismaha maamulka cusub ee gobolka Hiiraan.
Waxaa uu sheegay in sidoo kale arrimaha ammaanka uu ku dhaliilayo in uusan madaxweynaha weli waxba ka qaban.
“Hir-Shabeelle Soomaali oo dhan waa ogtahay iney tahay Curdin, madaxweynaha waxaan siinnay kalsooni uu xukuumaddiisa ku soo dhiso muddo 45 cisho ah wuu ku soo dhisi waayay, kadib bil ayaan ugu darnay, maalin dhexdaas ahna waxaan ugu darnay labo bilood, iydoo taasi ay jirto ayaa haddana Soomaaliya waxay ku baaba’day kaligii talis, dowladda waxaa loo dhisay ummadda meesha ku wada nool, hadda waxaan leenahay 97 xildhibaan waxaa naga maqan 7 xildhibaan, waxaan rabnay in xildhibaannada amnigooda iyo mushaaraadkooda meel la saaro, gobolkii nalaga soo doortay inaan joogno weeyaane maaha inaan xamar wadajoogno”, ayuu yiri; xildhibaan Cabdullaahi.




From the comments