Tartanka Guddoomiye Ku-xigeennada Golaha Shacabka Oo Wareegga 3aad La Aadey

Waxaa hadda lagu dhaqaaqey natiijada rasmiga ah ee wareegga koowaad ee doorashada guddoomiye ku-xigeennada golaha shacabka.
Guddoomiye ku-xgeenka koowaad waxaa isku soo haray labo murashax oo kala ah: Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqadir iyo Cabdiweli Sheekh Muudeey halka ku-xigeenka labaadna isku soo hareen Cabdiqadir Sheekh Baqdaadid iyo Mahad Cabdalla Cawad.
Doorashada ayaa si toos ah loo aadi doonaa wareegga 3aad kadib markii ay ka tanaasuleen tartanka guddoomiyaha 1aad: Khadiijo Maxamed Diiriye(26 cod) iyo Saciid Xuseen Ciid iyo ku-xigeenka 2aad oo ay ka tanaasuleen Cabdiraxmaan Ibbi(36) iyo Burhaan(26 cod).
Murashaxiinta u tartamaya Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka:
- Xildhibaan Cabdiweli sheikh Ibrahim Muudey: 111 cod
- Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqadir: 94 cod
- Xildhibaan Jeylaani Nur Ikar: 4 cod
- Xildhibaan Khadija Maxamed Diiriye: 26 cod
- Xildhibaan Khalid Macow Cabdiqadir: 7 cood
- Xihibaan Saciid Xuseen Ciid: 17 cod
Murashaxiinta u tartamaya guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golaha shacabka:
- Cabdulkadir Sh. Cali Baqdaadi: 51
- Mahad Cabdalla Cawad: 71
- Burhaan Aden Cumar: 26
- Cabdulahi Xusen Cali: 8
- Cabdiweli Maxamed Qanyare: 12
- Xuseen Cabdi Cilmi: 14
- Cabdulahi Godax Barre:18
- ilmi Maxamed Nuur: 12
- Cabdiraxmaan Aden Ibarhim: 36
- Maryan Axmed Harun: 10.
Goobjoog News