Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ahna caasimadda Kumeel gaark ah ee maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ka dhacay qarax banbaano gacanta laga tuuray oo ay dad waxyeello ka soo gaartay.
Qaraxan ayaa lala beegsaday askar ka ka tirsan milatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa xaafadda Hanti wadaag ee magaalada Jowhar.
Sida wariyeheenna magaalada Jowhar uu xaqiijinayo waxaa cusbitaalka magaaladaas la dhigay labo qof oo midi yahay qof rayid ah oo dhaafac furudi soo gaaray, goobta qaraxana ka agdhawaa, mid kalena uu yahay ciidamadii qaraxa lala beegsaday oo ay dhuunta firir ka gaaray.




From the comments