Dowladda Pakistan ayaa Khamiistii sheegtay inaaney ku biireyn tartanka hubka ee ka jira koonfurta Asia.
Channelka Geo news oo laga leeyahay dalka Pakistan ayaa sheegay in wasiirka dowlaha arrimaha dibadda Pakista Tasnim Aslam ay sheegatay:”Pakistan wali waxay ku jirtaa safka hore ee dowladaha doonaya in la xakameeyo hubka nukliyeerka, waxaan marwalba ilaalinnaa heerka caalamiga ah ee waxsoosaarka hubka adduunka”.
Hadalkan ay u jeedisay Aslam wafti raacsan Akadamiyadda ciidanka ee ilaalinta niknoloojiyadda sawaariikhda ridada dheer oo booqanayay dalka Pakista oo ay u sheegtay in dalka Pakistan uu xaq u leeyahay inuu helo tiknoloojiyadda casriga ah ee sawaariikhda iyagoo kale ujeedooyin nabad ah, waa sida ay hadalka u dhigtaye.




From the comments