Koox hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay askari ka tirsan ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya dil ugu geysteen degmada Dharkeenley ee gobolka banaadir .
Kooxda dilka geystay ayaa goobta ka baxsata, waxaana goobta durbadiiba gaaray ciidamo ka tirsan kuwa maamulka degmada Wadjir.
Goobjooge ku sugnaa halka uu ka dhacay dilka ayaa Goobjoog News uga warramay sida ay wax u dhaceen “fal dil ah ayaa ka dhacay degmada Dharkeenley, gaar ahaan agagaarka ajabka shidaalka, dilkaan lama oga cidda geysatay waxaan ka mid aheyn dadka goobta ku qaxweynaayay inta u dhaxeysa macmacaanka iyo dabakaayo Madow, waxaa goobta lagu dilay nin askari ah oo aan ku labisneyn dareyska ciidanka, waxa uuna xambaarsanaa qoray isla waqtigaas waxaa gadaal kaga yimid Labo qof oo aan heybtooda aan la garaneynin waxayna rasaas kaga dhufteen qeybta madaxa kadibna meesha ayuu ku dhacay”




From the comments