Jubbaland: Goobo Hor Leh Oo Loo Diyaariyey Qaxootiga Kasoo Laabanayaa Kenya

Maamulka Jubbaland iyo Guddiga Dib u Dajinta qaxootiga ka soo laabanaya Kenya ayaa sheegay in ay diyaariyeen Goobo hor leh oo dadkaasi la dajiyo.
Guddomiye ku xigeeenka guddiga qaxootiga iyo barakacyaasha Maamulka Jubbland Nuur Qadar oo war kooban kasoo saaray tiro koob ay dhawaan ku sameeyeen qaxootiga dib uga soo laabtay xeryaha Kenya ayaa shaaciyay tirada qaxootiga ah ee dib uga soo laabtay xeryaha Kenya Saddexdii sano ee lasoo dhaafay.
Guddomiye ku xigeenka guddiga ayaa sheegay inay caqabado badan ay kala kulmeen dib usoo celinta qaxootiga ee deegaannada Jubbland, isagoo tilmaamay in hadda weli uu socdo qorshihii dib u dejin ballaaran loogu sameyn lahaa magaalooyinka Kismaayo , Dhoobley, Luuq iyo Afmadow isagoo sheegay dadka soo laabanaya iney u badan yihiin haween iyo caruur.
“Tan iyo 2014-kii ay bilaabatay soo celintan iyo mashruucaan ayay socotaa dadka noo diiwaangashan waa 4,013 oo qoys, dadkaas waa dadka ka yimid xeryaha Kenya “.
Waxay ahayd markii heshiis Seddex geesood ah ay kula saxiixdeen sanadkii 2013-kii magaalada Nairobi dowladda Fedarlaka Somaaliya , Hay’adda UNHCR iyo dowladda Kenya ayaa qaxootiga waxay bilaabeen inay dib uga soolaabtaan xeryaha dhadhaab .
Xeryaha dhadhaab ayaa waxaa ku noolaa Nus Milyan qaxooti Soomaali ah kuwaas oo ka qaxay dagaalladii ka jiray wadanka .
Dhanka kale guddoomiyaha magaalada Kismaayo Maxmed Ibraaahim Timo jilac oo ka hadlay qaxootiga dib uga soo laabaty maagaaladaasi iyo deegaannada hoos yimaada ayaa waxa uu sheegay in xaalad adag ay soo foodsaartay madaama waqti abaaro ah lagu gudo jiro, sidoo kalena maamulka magaalada Kismaayo, Hay’adaha deeq bixiyeyaasha ay tabar u waayeen qaxootiga iyo barakacayaasha dib uga soo laabtay Kismaayo .
Timo jilac waxa uu sheegay in adeegyadii aasaasiga uahaa noolosha dib u dajinta caafimaadka iyo waxbarashada ay waayeen waxa uuna yiri “ annagu waan qeylinay dadka nolol ayay ubaahanyihiin iyo hoy ilmaha iskuullo ma haystaan wax badan ayaa is dhexyaacsan qeyladii Jubbaland meel walba waa laga maqlay maahan inaad diidanahay dadkeena inuu soo laabto balse waxaa la rabaa in dadka aan meel cidlo ah la dhigin”
Goobjoog News