Mareykanka Oo Ka Digey Weerarro Al-Shabaab Ka Geystaan Kenya

Dowladda Mareykanka ayaa uga digtey dowladda Kenya weeraro ay Xarakada Al-shabaab ka geystaan magaalooyin ka tirsan dalkaasi.
Maraykanka ayaa sheegay in ay jirto cabsi weyn oo ku aadan in Al-shabaab ay weeraro ka geystaan magaalo xeebeedyada, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ajaaniib dalxiisayaal u badan.
War sirdoonka Maraykanka usoo gudbiyey kan Kenya ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta u dhashay Maraykanka laga doonayo iney joojiyaan dhaqdhaqaaqyada badan.
Dowladda Maraykanka ayaa sidoo kale sheegtay in meelaha sida weyn loo tuhunsanyahay ay ku jiraan gobolka Waqooyi Bari oo laga cabsanayo in Al-shabaab weeraro ka fuliso.
Meelaha farta lagu goday waxaa kaloo kamid ah magaalada Lamu oo loo digey dadka aan Kenyanka ahayn in halkaasi ay si degdeg ah uga soo baxaan, si aaney dhibaato ugala kulmin Al-shabaab.
Kenya ayaa dhankeeda waxay heegan gelisay ciidamadeeda, iyadoo aan yareysan digniinta amni ee kaga timid dowladda Maraykanka.
Goobjoog News