Faarax Macalim oo ah siyaasi Kenyaan ah, horeyna guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Kenya ayaa hadal dheer oo si qarsoodi ah looga duubey ka Hadley arrimo badan oo gobolka Waqooyi beri iyo Soomaaliya ah.
Faarax Macallim oo hadlaya waxaa sheegayaa in Kenya aaney u gelin Soomaaliya wax aan ka aheyn in ay ka leedahay dano gaar ah iyo kheyraadka dalkaasi ee dabiiciga ah.
“Aawey qiimihii iyo sharaftii umadda Soomaaliyeed” ayuu isweydiiyey isagoo intaa raaciyay in dalalka dariska ah aaney daacad ka aheyn gelintaanka iyo caawinta Soomaaliya, ee go’aankooda uu yahay in ay burburiyaan isla markaana ay dhacaan dhulka iyo kheyraadka umadda Soomaaliyeed.




From the comments