Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in isaga iyo shaqaalaha Dowladda Hoose oo is kaashanaya ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada gurmad loo fidiyo dadka abaartu ay ku Heyso Deegaana Badan oo Goboladda dalka ah.
Guoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed laga rabo iney ay ka waantoobaan gacma hoorsiga Dowladda shisheeye,taa bedalkeedana ay u gudbaan in dhexdooda ay is caawiyaan.
“Maamulka gobolka iyo guud ahaan shaqaalaha gobolka waxay diyaar u yihiin iney ka qeybqaataan u gurmashada dadka abaarta ku hayso gobollada dalka, shacabka Soomaaliyeed iyaga dhexdooda ayaa loo baahan yahay iney isku gurmadaan bedalkii ay shisheeye gacmaha u hoorsan lahaayeen” ayuu yiri guddoomiyaha




From the comments