Maamulka degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa sheegay in howlgl ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada dowldda Federaalka Soomaaliya, kuwa Koonfur Galbeed iyo AMISOM ay ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka degmada Diinsoor Abshir Macallin Shariif oo la hadlay Goojoog News ayaa sheegay in ciidamada ay howlgallo ka sameeyeen deegaanka Raaxoole oo ku dhow degmadaasi, isaga oo sheegay in halkaasi ay kula dagaallameen Al-shabaab.
Waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka iney dileen Afar kamid ah dagaalyahannada Al-shabaab, mid kamid ahna wuxuu ku sheegay inuu yahay sarkaal sare oo ciidamadii Al-shabaab hoggaaminayey waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments