La Taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee dhinaca doorashada Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), ayaa madaxda axsaabta siyaasadda Somaliland kula taliyay iney ka fogaadaan qabyaaladda oo ay dadku ka qabaan xasaasiyad gaar ah.
Cabdillaahi Jawaan oo ahaa guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Somaliand ee ugu horreeyay, lana hadlay wargeyska Geeska ee ka soo baxa gudaha Somaliland ayaa Axsaabta siyaasadda ee muxaafid iyo mucaaradba kula dardaarmay iney ka digtoonaadaan qabyaalladda oo dadku ay xasaasiyad gaar ah ka qabaan:
La taliyaha madaxweynaha Somalialnd Cabdilaahi Jawaan mar uu ka hadlaayey Xisbiyada ayaa yidhi “Xisbiyada waxaan kula talinayaa nimanka madaxda ka ah Xisbiyada in marka ay wadahadlayaan in qabiilka laga fogaado, laakiin haddii ay ka fogaan waayaan waxay taasi keenaysa in dadkeenu isku burburo, maxaa yeelay dadkeenu uma adkaystaan waxyaabaha qaar, Ragga tartamaya si wanaagsan ha u tartamaan, oo ha soo bandhigaan barnaamijka ay ku tartamayaan, oo ha yidhaahdo Xisbiga Mucaaradku waxaas iyo waxaas ayaan kaga wanaagsan nahay Xisbiga Muxaafidka, oo waxaas ayaa laga gaabiyey, Xisbiga Muxaafidkuna uu isna yidhaahdo Dawladaydu iyo Xisbigaygu waxaas ayey qabteen, waxaas oo wanaagsana waan ku darayaa, waxa naga khaldmayna waan saxayaa”.




From the comments