Siyaasiyiinta u taagan qabashada xilka madaxweynennimada Soomaaliya ayaa sabtidii waxaa ay la kulmeen guddoomiyaha Golaha shacabka Sooomaaliyeed iyo qaar ka tirsan wakiillada beesha caalamka ee Soomaaliya.
Xubnaha ka socday Golaha mushataxiinta u tartamaysa xilka Madaxweynaha dalka ayaa guddoomiyaha golaha shacabka u soo gudbiyey in doorashadda Madaxweynaha loo sameeyo habraac daahfuran si looga bad-baado mushsuq maasuq iyo wax si dabo marin, in musharaxiintu u sinadaan adeegsiga Warbaahinta Qaranka iyo in doorashadda lagu qabto meel amnigeedu sugan yahay.
Murashax Cali Americo oo xalay marti u ahaa Goobjoog TV ayaa waxaa uu sheegey in sidaa ay u sameeyeen sidii doorasho hufan uga dhici laheyd Soomaaliya.




From the comments