Trump oo Ujawaabay Xildhibaan Ku Tilmaamay Madaxweyne aan Sharci ahayn

Madaxweynaha Mareykanka ayaa si aad si adag ugu jawaabay xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka ee John Lewis oo uu ku tilmaamay madaxweyne aan sharci ahayn.
Madaxweyne Dornald Trump ayaa xildhibaanka ugu jawaabay inuu ku mashquulo wakhti badanna uu geliyo horumarinta deegaan doorashadiisa ‘Deegaanka Georgia ee shanaad’ oo uu ku matalayo gobolka Georgia ee dalka Mareykanka.
Trump ayaa Twitter-kiisa ku soo qora; “Waxaa waajib ku ah xubinta Congress-ka ah ee John Lewis in uu wakhti badan oo waxqabad leh uu geliyo deegaan doorashadiisa oo xaalad adag maraya, intii uu isku mashquulin lahaa cabasho aan jirin ee dhanka natiijadii doorashada… hadal hadal hadal aan wax ficil ah la socon, waa arrin laga murugoodo!”.
Xildhibaanka ka tirsan Congress-ka Mareykanka ee John Lewis ayaa wareysi uu siiyay shabakadda wararka ee NBC ee dalka Mareykanka ayaa sheegay inaanuu u aqoonsaneyn Trump madaxweyne sharci ah, waxaanuu sheegay inuu aaminsan yahay in Ruushku uu garab ku siiyay guusha uu gaaray.
Goobjoog News