Maamulka degmada lambar 50 ayaa sheegay iney dadkii dagmada ay bilaabeen iney dib ugu soo laabtaan guryahooda, kadib dagaallo sababay iney naftooda la baxsadaan.
Cali Nuur Axmed guddoomiye xigeenka arrimaha bulshada maamulkaasi ayaa Goobjoog u sheegay in dadka ku nool deegaanka ay xaaladooda adag tahay oo aysan heli karin wax ay ku noolaadaan biyo la’aan jirta awgeed.
” Deegaanka lambar 50 iyo hareeraheeda waxaa ka dhacay dagaal aad u ba’an , dadkii duurka ayay ku hayaameen, waa la dhibtooday biyo la’aan ayaa dhacday ceelashii waa la gubay, dowladda federaalka, Konfur-Galbeed dad u soo gurmada waa laga waayay, hadda Illaahay mahaddii colkii waa degay, al-Shabaab duurka ayay horey u sii galeen, dadkii degmada Nalmbar 50 way ku soo noqdeen guryahooda”.




From the comments