U bood dhigaalka

Dowladda Burundi Oo Sheegtay Inay Bilowday In Ciidankeeda Kala Baxdo Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Burundi ayaa sheegtay in maanta oo Isniin ah ay bilowday hannaanka ay ciidamadeeda qeybta ka ah howlgalka AMISOM ugala baxayso Soomaaliya, kadib markii ay waayeen mushaarkii ay ka heli jireen Midowga Yurub.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Burundi Gaston Sindimwo ayaa sheegay iney bilaabayaan fulinta balanqaadkii ahaa in ciidankooda ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugala baxayaan Soomaaliya.

Waxa uu sheegay iney fulinayaan balantooda, sidoo kalena aysan xilligaan ciidankooda aysan sii wadi karin shaqada AMISOM.

“Waxaan go’aansannay inaan fulinno balanqaadkeenii ahaa inaan ciidankeenna kala soo baxno Soomaaliya, maxaa yeelay hadda shaqada masii wadi karaan iyaga oo aan wax mushaar ah lasiineyn” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Burundi.

Sidoo kale Gaston Sindimwo oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Annaga waan jeclayn inaan sii wadno taageerada aan dhanka xasilinta amniga ka siineyno Soomaaliya, balse ciidankeena ma aysan qaadan muddo 12 bil ah wax mushaar ah, sidaasi darteed waa inaan bilownaa ka bixitaankeenna Soomaaliya”

Burundi ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo kaaraya 5,400 oo askri, waxayna ciidamadaasi bilooyin badan ay ka waayeen mushaarkii ay sida tooska ah uga qaadanayeen Midowga Yurub.

Goobjoog News