Maamulka Cusub ee Mareykanka oo Sheegay iney Soo Afjarayaan Dagaalka Al-Shabaab

Maamulka cusub ee dhawaan la wareegi doona talada dalka Mareykanka ayaa su’aalo iska weydiinaya sababta aan dowladda Mareykanka aaney ugu guuleysan istaraajiiyadaheeda Afrika oo ay ku jirto la dagaalanka kooxa ay la dagaalamaan.
Kooxda kala guurka ugu xilsaaran madaxweynaha la doortan ee Mareykanka Donald Trump ayaa isweydiinaya sida uu guud ahaan uu u egyahay xariirka Mareykanka iyo dalalka Afrika , kooxda Trump waxay si gaar ah ay isku weydiinayaan sababta ay dowladda Mareykanka muddo 10 sano ah ugu guuleysan la’dahay la dagaalanka Xarakada al-Shabaab.
Su’aalo badan oo kooxdaan u direen waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayay ku weydeen waxa Mareykanka ugu geelaysan la’yahay dagaalka uu kula jiro xarakada al-Shabaab ee ka socoda gudaha Soomaaliya .
Weydiimaha uu Donald Trump u diray waaxada arrimaha dibadda ee Mareykanka oo qeyb ka mida uu daabacay wargeyska The Newark Times ayaa laga dheehan karaa rabitaanka maamulka madaxweyne Trump iyo sida ay ku doonayaan iney soo afjaraan dagaalka al-Shabaab.
Su’aasha uu hordhigay Trump waaxda ayaa u qorneyd sida, “ Muddo 10 sano ah ayaan la dagaalameynnay xarada al-Shabaab maxaan uga guuleysan la’nahay”.
Su’aalaha kale oo uu weydiiyay waxaa ka mid ahaa “ Aaway ganacsigii Mareykanka iyo Afrika ma waxaa la wareegay Chaina ?”
Madaxweyne Trump ayaa soo hadal qaaday musuqa baahay ee ka jira Qaaradda Afrika iyo sida ay suurtogal u tahay inay ku lug leeyihiin calooshood u shaqeystayaal Mareykan ah oo musuqa ka ganacsada.
Weydiimaha kale ee Trump ayaa loo arkay iney tahay mid sawir cad ka bixinayso sida Donald Trump ula dhaqmi doono Qaaradda Afrika, sida uu Afrika ula tacaamulaayo ayaa ahaa mowduuc weyn oo qeyb ku lahaa ol’olihiisa doorasho .
Trump ayaa la filayaa inuu bedelo taktikada la dagaalanka xarakada al-Shabaa ee Mareykanka oo hadda ku kooban diyaaradaha Doroneska oo qura, lama inuu ku dhiirran doono ciidamo Mareykan ah in Soomaaliya la keeno.
Goobjoog News