Ururka gargaarka dunida ee Oxfam ayaa soo saartay liiska 8 qof oo dunida ah oo haysta hantida kala bar dadka dunida ugu faqiirsan.
Global Relief Foundation (Oxfam) oo baahisay warbixin ay soo saartay Isniinta maanta oo ay sheegtay in 8 ruux oo kaliya ay haystaan hanti u dhiganta kala bar dadyowga ugu faqiirsan dunida, waxayna ku baaqeen in mushaar dhimis lagu sameeyo xubnaha liiskan hoggaaminaya.
Iyadoo ay jirto in dadka siyaasadda go’aamiyaan iyo tiro ka mid ah dadka qaniga ah ee ugu taajirsan adduunka, iney ka qeybgalayaan shirka dhaqaalaha caalamka ee Davos, warbixinta Oxfam ayaa lagu sheegay in kala duwanaanta dhanka hantida ay sidii hore ka sii adag tahay, waxaana jira warbixinno ka imanaya China, India, in nuska ugu faqriga badan ee dadyowga caalamka ay haystaan hanti ka yar tii markii hore ay haysteen, taas oo ka dhigan in dadka taajiriinta ah ay hantidoodu sii korayso, dadka faqriga ahna xaaladdu ay ku sii xumaaneyso.




From the comments