Deegaannada Puntland ayaa lagu soo waramayaa in ay isku dilaan Labo qof oo la sheegay in ay is madax mareen kadib markii ay ku xoolo beeleyn abaarta baahsan ee dalka ka jirta.
Suldaan Cabdiqani Qorane oo kamid ah waxgaradka Puntland oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in deegaannada Burtinle iyo Salax ee Puntland ay isku dileen Labo nin kadib markii ay ka dhammaadeen xoolaha.
Sidoo kale Suldaanka ayaa sheegay in dadka qaar ay u dhinteen cudurro qaarkood dawo loo heli karay, isaga oo sheegay in xitaa weli laga cabsanayo in dadka qaar ay abaarta usii dhammaadaan.




From the comments