Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa balanqaadey wax ka qabashada abaarta ka jirta gobollada Koonfur Galbeed.
Shariif Xasan ayaa booqasho maanta oo Isniin ahayd ku tagey xeryo dadka soo barakacay oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo, waxaana halkaasi uu kula kulmay dad badan oo kasoo barakacay abaaraha ka jira qaar kamid ah gobollada dalka.
Waxa uu tilmaamay Shariif iney ku dadaali doonaan wax u qabashada dadkan, sidoo kalena ay gaari doonaan deegaannada abaarta xooggan ay ka jirto.




From the comments