Hay’adda NASA ee hawada sare ee Mareykanka ayaa sheegtay inuu geeriyooday cirbixiyeenkii hore ee Eugene Cernan oo noqday cirbixiyeenkii ugu dambeeyay ee Dayax ku dul socda.
Cirbixiyeenkan ayaa geeriyooday Isniintii shalay iyadoo da’diisu ay tahay 82 sano waxaanuu geeriyooday isagoo qoyskiisu ay hareero fadhiyaan, sida ay NASA sheegtay, iyagoon wax faahfaahin ah ka bixin sababta geeridiisa keentay.
Cernan iyo saaxiibkii Herriso Schmitt waxay ka mid ahaayeen cirbixiyeennadii ku safray “Apollo 17”, 11 ,December,1972 oo ahaa xilligii ay gaareen dayaxa dushiisana ay ku dageen, 10 ka mid ah cirbixiyeennada Mareykanka ayay u suurtogashay iney ku kor-socdaan dayaxa, wixii intaa ka dambeeyayna qof kale dayaxa kumuu kordegin.




From the comments