Maamulka Puntland ayaa sheegay in maxkamad ay soo taagi doonaan Lix dhallinyaro ah oo ku eedeysan iney Kufsi ka geysteen degmada Goldogob ee gobolka Mudug, sidoo kale dhibaatooyin kale ay soo gaarsiiyeen gabadhii ay kufsadeen.
Maxamed Cali Faarax, Agaasimaha wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha diinta ee maamulka Puntland ayaa saxaafadda u sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in kiiska dhallinyarada wax kufsatey lagu dhameeyo xeer dhaqameed ama wax lamid ah.
Waxa uu sheegay in dhammaan dhallinyaradan ay ku xiran yihiin saldhigga degmada Goldogob ee gobolka Mudug, islamarkaana sida sharciga uu qabo la marsiin doono dhammaantooda.




From the comments