Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa saxaafadda u soo bandhigey murashaxiinta guddoonka aqalka sare.
Ilaa 16 murashax ayaa isu soo taagtey xilka guddoonka aqalka sare, labo murashax waxaa ay ku tartamayaan xilka guddoomiyaha aqalka sare halka min 7 musharax ay ku tartamayaan guddoomiye ku-xigeenka 1aad iyo 2aad.
Abaarihii 5-tii galabnimo ayey guddiga qaban qaabada xarunta aqalka ee KM Zero ku soo bandhigeen musharaxiinta, waxaa goobta fadhiyay xildhibaan Maxamed cusmaan Faarax (Dhagajuun) oo ah guddoomiyaha guddiga iyo xubno kale oo guddiga ka tirsan sida Xuseen S. Maxamud Xuseen Iyo Jawaahir Axmed Cilmi.





From the comments