U bood dhigaalka

Baardheere: 145 Qoys Oo Beeraley Isku Badaley Kadib Markii ay La’deen Xoolahoodii

Sheeko:Dalka

Ku dhowaad ilaa 145 qoys oo ka soo jeeda qoysas xoolo dhaqato reer guuraa oo xoolahoodii intii badneyd ay ku dhaafeen abaarta ayaa dhowaan waxay ku kala ku biireen Beeraha Waraabka ee ku  yaala degmada Baardheere si ay ugu shaqeystaan oo ay nolol ugu raadsadaan, iyagoona wata xoolahoodii intii ka hartey.

Xoolo dhaqatadan oo bilaabay inay beeraha fashaan ayaa waxay ka kala yimaadeen dhulka miyiga ah ee u dhaxeeya degmooyinka Garbahaarey iyo Baladxaawo, shaqooyinka ay hadda ka qabanayaan Beerahana waa mid ku cusub,waxayna u muuqataa mid daruufta ay ku kaliftey,waxaana shaqooyin siiyey qaar ka mid ah  Milkiilayaasha Beeraleyda waraabka eek u dhaqan degmada Baardheere.

Aden xuseen waxaa uu ka mid yahay Qoysaska faraha badan ee ku xoolo belay Abaarta oo ka soo barakacay nawaaxiga Tuulada Caracase oo ka tirsan degmada Baladxaawo,waxuuna horaantii bishan isaga iyo qoyskiisa oo ka kooban ilaa 9 ruux ay ku biireen dhul beereed waraab ah oo ku yaala tuulada Serinley oo ka tirsan Baardheere oo dhan ilaa hal hektar, islamarkaana ay beerteen dalagyo ay ka mid yahiin digir, sisin iyo khudaar, waxaana uu wataa intii ka hartey xoolahiisa oo dhan ilaa 95 neef oo isugu jira geel iyo ari,isagoo sheegayna inuu u soo socdey Baardheere muddo 15 maalin ah.

Sidoo kale Muuse Xuseen waxaa uu ka mid yahay Qoysas xoolo dhaqato ah oo ka soo barakacay nawaaxiga Tuulada Bur caro oo Garbahaarey u jirta ilaa 7 KM,waxaana isagao iyo qoyskiisa oo ka kooban ilaa 7 ruux ay ku biireen dhul beereed ku yaala tuulada Tarbey oo Baardheere u jirta ilaa 13 km,waxaana halkaasi kula nool tiro xoolo ah oo dhan 50 neef oo isugu jirta Lo,Geell iyo ari oo uu sheegay in ay yahiin intii ka hartey xoolahii uu dhaqanayey,waxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay shaqada uu ka hayo

Beeraha oo uu tilmaamay inuu helay nolol iyo daaq ay xoolahu heleen,islamarkaana uu rajo kaqabo bilaha soo socda inuu goosto dalag.

Maxamed Cabdiraxmaan waxaa uu ka mid yahay Milkiilayaasha Beeraha waraabka ee degan Baardheere,waxuuna leeyahay 2 beerood oo ku kala yaala tuullooyinka Tarbey iyo Heloshiid,waxuuna  Goobjoog News sheegay ilaa 19 qoys oo xoolo dhaqato inuu shaqo ka siiyey Dhul beereedkiisa,kuwaasi oo isugu jira rag iyo dumar, talaabadani ayuu ku sheegay mid ay  shaqo abuur ugu sameynayaan Qoysaska ku xoolo belay Abaaraha,isagoona sidoo kalena sheegay in shaqooyinkaasi ay wax tar u yahiin noloshooda iyo mida xoolaha ay wataan.

Cabdulaahi nuur Xasan waa Gudoomiyaha maamulka degmada Baardheere waxaana uu sheegay in ay la socdaan dadka ka soo barakacay abaaraha ee yimid Baardheere,waxuuna sheegay badankood in ay ku biireen xeryaha ay degan yahiin dadka barakacayaasha ee ku yaala duleedka Baardheere,halka kuwa kalena ay degeen hareeraha webiga iyo Beeraha jiimada,qoysaskan ayuu tiradoodu ku qiyaasey ilaa 2kun oo qoys,waxuuna tilmaamay in ay ka soo kala barakaceen degmooyinka Garbahaarey,Ceelwaaq,Baladxaawo,Dolow iyo deegaano kale ee Gobolka.

Mana jiraan ayuu yiri ilaa iyo iminka wax qorshe ah oo Maamulka uu u sameeyey Qoysaskan faraha badan ee abaaraha ku xoolo beelay ee degmada soo gaarey iyo gargaar la gaarsiiyey,marka laga reebo baaq qeylo dhaan ah oo aan u dirney hay,adaha samafalka,jaaliyadaha dibada iyo Gnacsatada si dadka ku barakacay abaarta loogu gurmado.

Goobjoog News