Wararka maanta oo Khamiis ah ka imaanaya degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa maamulka K/galbeed ay howlgallo ka wadaan degmadaasi.
Howlgalladaan oo ah kuwo amniga lagu xaqiijinayo ayaa wararku waxay sheegayaan in ciidamada ay baarayaan xaafadaha degmadaasi qaar iyo sidoo kale deegaannada ku dhow degmadaasi.
Goob jooge ku sugan degmada Buurhakaba ayaa u sheegay Goobjoog News in uu arkay dad ay ciidanku ku qabteen howlgallada, balse waxa uu tilmaamay inaanu qiyaasi karin tiro ahaan.




From the comments