Guddoomiyaha guddiga Nabadda iyo Ammaanka Afrika, Smail Chergui, ayaa Arbacadii Shalay bilaabay booqasho qaadaneysa muddo Labo cisho oo uu ku gaaray dalka Burundi, iyadoo ay jirto in dowladdaas ay ku hanjabtay iney ciidamdeeda kala baxayso dalka Soomaaliya.
Warkan oo ay daabacday wakaaladda wararka ee China ‘xinhua’ ayaa lagu sheegay in booqashadan mas’uulka sare ee midawga Afrika, Smail Chergui, ay u qorsheysan tahay inuu la kulmo madaxweynaha Burundi Nkurunziza, mas’uuliyiin dhanka xaquuqda aadanaha u ol’oleeya iyo waliba khubarada ciidanka midowga Afrika, isagoo wadahadal kala geli doona ciidamda Burundi iyo sidii ay u sii Joogi lahaayeen Soomaaliya.
Bilowgii Isbuucan ayaa madaxweyne ku xigeenka Burundi Gaston Sindimwo uu ku dhawaaqay xilli sii horreysay ee isbuucan in ciidamadooda ay kala bixi doonaan Soomaaliya sida ugu dhakhsiyaha badan.




From the comments