Ciidamada Dowladda Senegal ayaa sheegay in milatariga dowladaha galbeedka ay tallaabo ka qaadayaan Gambia haddii madaxweynaha Gambia uu waqtigiisu dhamaaday uusan aqbalin inuu wareejiyo xukunka, madaxweyne Yahye Jammeh ayaa dhaliilsan doorashadii ka dhacday Gambia bishii hore kaasoo ku guuleysatay Aadamow Baarow .
Dhanka kale hoggaamiyeyaasha ururka ganacsiga ee dowladaha Galbeedka Afrika Siidow ayaa waxa uu sheegay in ciidamada urur goboleedka Galbeedka Afrika ay diyaar u yihiin in ay weerar ku qaadaan madaxwynaha uu waqtigiisu dhamaaday Yahye Jammeh .
Inta badan dowladaha Galbeedka Afrika gaar ahaan Nigeria, Liberia , Ghana ayaa waxay dadaalo diploomaasiyadeed ay ku bixnayaa inay ku qanciyaan madaxweyne Yahye Jammeh oo 51 sano jir ah inuu Gambai uu soo xukumay muddo dhan 22 sano uuna wareejiyo xilka ka dib markii looga adkaaday doorashooyinkii ka dhacay wadankaas bishii December ee sanadkii hore.




From the comments